Kulan balaaran oo lagu soo dhaweynayey boqorka beesha Jareer-weyne oo safar bilooyinkii la soo dhaafay ku kala bixinayey qaar ka mid ah dalalka Afrika, isla markaasna qadiyadda qowmiyadda beesha Jareerweyne kala hadlayey dowladaha Afrika, Qaramada Midoobay,
Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka ayaa waxa uu ka sheegay kulankii lagu soo dhaweynayey in Maxkamadda dembiyada aduunka ee Heeg uu u gudbiyey dacwad ka dhan ah kooxo uu sheegay inay lugooyo iyo dib u dhac ku wadaan beesha oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, aqoonyahno iyo Xildhibaano.
Boqor Faarax Cabdi Guure ayaa sheegay in kulan uu la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Mareykanka uu kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo qadiyadda beesha Jareer-weyne, wuxuuna sheegay inay isku afgarteen in beeshu wax gacan ka hadal ah aysan geysan,
isla markaasna hadda ka dib aysan dhici doonin in xadgudub lagu sameeyo beesha, isagoo sidoo kale sheegay inuu uga digay dad sheegayana aqoonyahano beesha ka tirsan inay ka daayaan labka iyo qaska ay ka dhexwadaan beesha dhexdeeda.
“Dowladihii iyo ururadii aan la hadlay waxaan intooda badan u sheegay in beesha Jareer-weyne dhib badan lagu hayo, dadka sheeganaya aqoonyano beesha metelana inaysan aheyn kuwo saxan, isaguna uu yahay boqorka keliya ee ay beeshu leedahay, kama amar qaadato,
isago oo xusay inuu dacwad ka gudbiyey dadkaasi uu ku sheegay inay yihiin aqoonyahao ku qaraabanaha magaca beesha iyo xildhibaano ka tirsan beesha.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo in la yareeyo Golaha wasiirada Xukuumadda, wuxuuna intaasi ku daray inaysan wax faa’ido laheyn badinta wasiirada,
wuxuuna ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya inay ka fogaadaan khilaaf iyo isqabqabsi dhexdooda ah, waxa la sheegsheegayana ay meel iska dhigaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.