Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka dhacay labo qarax oo lala beegsaday Baar ku yaala agagaarka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadaas oo ahaa kuwo ismiidaamin ah oo rag naftood hurayaal ah ay fuliyeen ayaa waxaa lala beegsaday Baar lagu magacaabo Sports Coffee, iyadoo wararku ay sheegayaan in qaraxyadaasi la fashiliyey, qasaarha ka dhashayna uu aad u yar yahay.
Wararku waxa ay sheegayaan in weerarkaa ismiidaaminta ah ay geysteen Labo nin oo jaakadaha qarxa watay, waxaase la sheegayaa in qaraxyadaasi la fashiliyay, maadaama uu baarku lahaa Check Point, waxayna nimanka doonayay in ay is qarxiyaan ay ku qarxeen bannaanka Baarka.
Mid ka mid ah Ilaalada baarka ayaa sheegay in nimanka is qarxinayay ay doonayeen inay gudaha galaan, balse ay ka hortageen ilaalada, isla markaana ay rasaas is weydaarsadeen, isagoo xusay in mid ka mid ah uu Bam gaceed soo tuuray balse aysan cidna waxba ku noqon.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shan ruux oo mid ka mid ahi yahay ilaalada Baarka iyo labadii is qarxisay ay ku dhinteen qaraxa das, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay jiraan dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Baarka la doonayay in la qarxiyo ayaa ah Baar weyn oo ay ku kulmaan inta badan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dad kale.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.