Gudoomiyaha Gobolka Bnaaadir oo eedeeyay Warbaahinta Soomaaliya

jiinka November 2, 2012 Comments Off
Gudoomiyaha Gobolka Bnaaadir oo eedeeyay Warbaahinta Soomaaliya

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ewedeyn dusha uga tuuray warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Website-yada Soomaaliya ee dalka iyo dibadda ka howlgala ay baahiyaan warar been ah oo aan laga fiirsan.
Guddoomiye Tarsan waxa uu eedda dusha ka saaray wariyayaasha ku sugan magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay baahiyaan ama qoraan warar aan waxba ka jirin.
“Website-yada iyo idaacadaha ayaa qeyb ka ah amaan xumada Muqdisho ka jirta, magaaladuna waa nabad ee iyaga ayaa nabaddarro ka dhiga oo been ka sheega” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka banaadir Maxamuud Tarsan.
“Ma jirto hal degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo amnixumo uu ka jiro maalin kasta waxaan helaa warbixinno sheegaya in degmooyinka Banaadir ay ammaan yihiin” ayuu yiri Tarsan oo dhaar ku maray in Muqdisho nabad tahay.
Marka laga hadlayo xaalada Muqdisho waa mid aan la isku halayn karin xalay oo kaliya waxaa ka dhacay saddex qarax oo dad ay ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen, wariyeyaasha ayaa lagu dilaa, todobaadkan iyo kii tagayna in ka badan 5-ruux oo gabdho ay ku jiraan ayaa lagu dilay, taasoo ammaanka Muqdisho ka dhigaysa mid aan la isku halayn karin, wuxuuna hadalka Tarsan u muuqdaa mid iska dheh ah.

cumar c/rashiid
jiinwabi.net
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.