Xilli Magaalada Muqdisho iyo Gobalada qaar ee dalka Soomaaliya ay ka da’een roobab ay ka dhasheen caafimaad daro ayaa wasaarada caafimaadka xukuumadii waqtigeeda uu dhamaaday waxa ay sheegtay inay qorshayaal wado oo ku aadan ka hortagadi xaaladahaasi caafimaad daro.
Maxamed Cumar Maxamuud oo ah wasiiru dowlahii Xukuumaddii C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inay jiraan qorshayaal badan oo ku aadan dhanka caafimaadka deeganada ay ka da’een roobabka.
Wuxuu sheegay in hadii ay yihiin wasaaradii caafimaadka ay la kaashan doonaan ka hortaga arimaha caafimaad darida hay’ado dhanka caafimaadka ka shaqeeya.
Dhawaan roobab ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo gobolo kamid ah dalka Soomaaliya ka sokoow sida ay dadka ugu nimceesteen hadana waxaa jira inay ka dhasheen xaalado caafimaad daro ah.
Isbitaalada qaar ee Magaalada Muqdisho waxaa yaala caruur kala duwan oo uu soo ritay cuduro ka dhashay xaaladaha caafimaad dari ee ka dhasha roobabka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.