Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiran ayaa sheegaya in Munazammad Dawa Al Islaamiya deeq gargaar ah u qeybisay dadkii ka barakacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kuwaas oo haatan ku sugan deegaanada Janta Kundisho (115), Ceel Jaale iyo xeryaha Domey ee duleedka Magaalada Baladweyne.
Gargaarkaan oo ahaa Raashiin oo ay u qeybisay Munazammad Dawa qoysaskii ka barakacay magaalada Baladweyne waxey isugu jiree Cuntada la qeybiyay Bur, Bariis iyo Saliid.
Dadka la gaarsiiyay deeqdaan Gargaarka cuntada ayaa gaarayay ilaa Laba Boqol (200) oo qoys oo kasoo barakacay degmada Baladweyne kuwaas oo uu ku fatahay wabiga shabelle.
Deeqdaan ay Al Dawa gaarsiiyay dadkaas ayaa ahayn tii ugu horeysay iyadoo dhawaan qeybaha kale ee gobolka Hiiran ay u sameeynayaan Gargaar dhanka caafimaadka ah Taas oo xiligaani aad ugu soo farabateen dadkii dhibaatooyinka fatahaada biyaha wabiga Shabelle saameynta balaaran ay ku yeelatay, Kuwaas oo maciin biday iney xerada Domey oo mar hore La daal dhaceyday tirade dadka ku dhaqan oo dhibaatooyinka dhanka nolosha ah ayey Munazammad Dawa Al Islaamiya ka bixisay Raashiin ay ku farxeen
Qaar ka tirsan Qoysaska ka faa’iideystay gargaarka oo u waramay Shabakada Jiinwabi.net ayaa waxay sheegeen iney tahay deeqdani ay aheyd tii ugu balaarneed ee soo gaarta Xeradan Domey IDP.
Sikastaba ha ahaatee qoysaskani ayaa waxay ka codsadeen Munazammad Dawa Al Islaamiya kaalmada in loo laba jibaaro
Cusman Adan Careys
Bank of Somali Rivers
Hiiraan Baladweyne Somalia
Comments are closed.