Natiijada ciyaaraha

xeydar October 31, 2012 Comments Off
Natiijada ciyaaraha

Ciyaaraha Sabtida dhacay ee horyaalka Ingiriiska waxay kooxuhu u kala badiyeen sidatan:

Aston Villa iyo Norwich waxay isla dhaafi waayeen 1_1 gool.

Arsenal waxay 1_0 dirqi ah kaga badisay QPR oo weli hal ciyaartoy laga saaray kaddib markii uu khalad galay.

Reading iyo Fulham waxay iyaguna iskula garab dhaceen 3_3 gool.

Stoke iyo Sunderland iyaguna 0_0 ayay isku mari waayeen.

Wigan 2_1 ayay isaga reebtay West Ham.

Man City 1_0 ayay si dhib leh uga adkaatay Swansea.

Natiijooyinkani waxay muujinayaan in kooxuhu isku awood dhow yihiin hase ahaatee waxaa meel sare sii ordaysa kooxda Chelsea oo 22 dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka, waxaana ku soo xiga Manchester United iyo Manchester City oo min 18 dhibcood leh.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.