HALYEEY U HIBEEYAY HALOOW HALOOWGIISA HAWEENEY UU KA HELLAY!!

xeydar October 31, 2012 Comments Off
HALYEEY U HIBEEYAY HALOOW HALOOWGIISA HAWEENEY UU KA HELLAY!!

Iyadoo ay waayahan si sahal ah iska noqotay isbarashadda lamaane cusub

taasoo ay ku raadiyaan xiriir mustaqbal & wehel hadiiba Alle CALLAF
isugu dara, isbarashadan deg deg ah ayaa u wacan in ay kusii
dhiiraddaan hor mar ka casriga ah ee dhanka technology –yadda laga
gaaray ee ay addeegsaddaan dhalinta hana qaadka ee Haasaawe doonka ah
sida taleefannadda IWM.

 

Hadaba maanta waxaan iddiin hayaa qiso cajiib ah oo maalintii ciidda
aheyd dhacday, qisadan runtii si aad ah ayaan ulla dhacay nafsad
ahaanteyda waxa ayna ii noqotay tii igu xiisaha badneyd, wax ba yaan
hadal kugu daalinine Maalintii Ciida aheyd waxaan qado sharaf ku
laheyn aniga iyo mid ka mid ah Asxaabteyda Xaafad mudo fog igu
danbeysay, oo nalagu marti qaaday waxana ku balansaneyn sxbkey in uu
guriga igu yimaaddo oo aan iska wada raacno, muddadii balanta waa uu
ka soo dib dhacay sxbkey waana wacay Talleefankiisa waa dansanaa,
waanaxay oo waxaan is iri side wax u jiraan? waayo waligiisa ma uusan
dansan teleefankiisa.

 

In muda ah markii aan ku cel celiyay ayaan isaga dhaqaaqay dhankii la
inaga sugayay maadaama balantu tahay muhiim, wax walbana waad ogaan
doontaa shar & qeyr ayaan is iri, xaafaddii markii aan tagay oo aan 10
daqiiqo fadhiyay xitaa la i waydiiyay oo aan ku iri wuu imanayaa oo
aanan meel ku ogeyn ayuu soo garaacay, markii aan arkay ayaan farxay
waayo meel kuma ogeyn ninka aragtiddiisana waxa igu noqotay farxad.
Markii la kaf kaftamay ayaan weydiiyay waxa hellay uu taleefanka la
dansaday,isla markaana uu igaga soo daahay ayuu qisadan iiga waramay-“
waa runtaa Asad Waan kaa soo daahay waadna ogtahay inaan waligeey
ballanta ku fiicnaa laakiin saaxib waxaan dhexgalay badweyn daqiiqaddo
guddahood, waxaan si lama fillaan ah ku bartay gabar si aad ah iisoo
jiidatay oo gaariga aan soo raacay illa saarneyd waliba nasiib wanaag
isku kursi ayaan aheyn, runtii qoftaas aad ayeey iisoo jiidatay,
Sheeko yar oo ina dhex martay ayaana la igu saakhay hadalaladda
miizaaman ee kasoo baxayay ayaan la miir daboolmay,
Anigoo la walwalsan fursada oo ciriiri igu noqotay ayaan la shallaayay
maadaama gaariga usoo dhawaaday meeshii aan rabay, balse mida ii
hiilisay waxa ay aheyd gaariga oo taayar ka banjaray intii lagu
mashquulsanaa Aaryadiisa si weyn ugu faaideystay waayo waxaan bartay
Gabadha Magaceeda, meesha ay dagan tahay howsha ay qabato cidda ay
maanta usoo Ciideysatay, iyo qaar ka mid ah waxa ay xiiseyso, runtii
si kalsooni leh ayey iigu sheegtay waxwalbo waxana u sheegay inaan
meel dhow ku dagi rabo oo ay isiiso Numberkeeda si aan usii wada
xiriirno, nasiib daro waxa ay itiri Mobile kayga Biyo ayuu iigaga
dhacay wallaal, SimCard-ka kaliya ayaan haystaa bisha markay dhamaato
ayaan gadanayaa ee kaaga ii sheeg anaa kusoo wacayo, arintaas dhabar
jab ayeey igu noqtay, waxaana qaatay durbaba goaan deg deg ah waayo
waxa kaliya ee aan ku xisaabtamayay waxa ay aheyd inaan Tafeenaka
kusii Haasawno waana ku kalsoonaan waayay anaa kusoo wacaayadeeda,
go,aanka ugu danbeeyo ee aan qaatay waxa uu ahaa inaan mobile-kayga
kala baxo SimCard-ka si ay u gashato Simcardkeedda oo ay boorsadda ku
waddatay markaas ayeey niyadda ii xasishay, iyaddiina kalsooni dhab ah
ka dareemay maadaama aan taleefan kayga gacanta ka saaray daqiiqado
guddahood”.

 

 

Intaas markii uu ii sheegay ayuu taleefan kayga iga qaaday isagoo
durbaba garaacay Numberkii gabadhii Dhexsaaqday, waana uu la hadlay
una sheegay inuu dhararayay inuu codkeedda Taleefanka ka maqlo,
Aqristoow xiligan labadan ruux ee sidan fursada gaaban isku aaminay si
aad ah ayeey u wada xiriiraan waxa ayna yihiin laba aad isaga helay,
Waxa ayna isku qaadeen jaceyl dhab ah,

 

Jaceylka nuucan ah inta badan waa kan dhabta la isku jecllaaddo waayo
iyadda waa ay aragtay muuqaal ahaan oo marka ay la hadleyso waa u
sawir maa, isagana kaba siii daran oo waa kii Mobilkiisa oo dhan
gacanta ka saaray, laakiin waxaa jira mid aan meel dheer gaarin waa
kan laba is aqoon oo taleefan isaga baaqa jaceyl oo aan muuqaal ahaan
isku aqoon kaasina inta badan ma miro dhallo waa dhalanteed sababtoo
ah iyada in aysan ka helin ama isaga inuusan ka hellin ayaa dhacda,
inkastoo ma mar ay dhacdo lamaane isku qanca oo isguursadda!!

W/Q Asad Abukar Cali
Email Asaddhayow@gmail.com

Comments are closed.