Muran iyo isqabqabsi hareeyay ku dhawaaqistii Golaha wasiirada cusub dibna u dhigay iyo beesha Hawiye oo la siiyey

xeydar October 31, 2012 Comments Off
Muran iyo isqabqabsi hareeyay ku dhawaaqistii Golaha wasiirada cusub dibna u dhigay iyo beesha Hawiye oo la siiyey

Iyadoo lagu waday in shalay lagu dhawaaqo Golaha wasiirada cusub ee ay yeelaneyso dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in arrintaasi uu dib u dhac ku yimid ka dib uu hareeyay muran iyo isqabqasbi u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed iyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, ka dib markii sida la sheegay tirada Golaha wasiirada laga dhigay 9-wasiir oo keliya, taas oo keentay in beelo badan ay iska waayaan liiska cusub ee Golaha wasiirada maadaama la yareeyay tirada.

 

 
Sida warku sheegayo afarta beelood ee waa weynka lagu sheego ee Hawiye, Daarood, Dir iyo Raxa-weyn laga siiyay middiiba 2-wasaaradood oo keliya, taas oo keentay in beelaha qaar ay iska waayaan liiska, markaasia ka dibna cabasho u gudbiyey madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sheegay in la rabo in beelaha Soomaaliyeed dhexdooda la iska horgeeyo, isla markaasna aysan suuragal aheyn in beelaha qaar wax la siiyo beelo kalena la qadiyo, iyadoo tusaale ahaan beesha hawiye la siiyey labo wasiir oo keliya, lana sheegay in labadaasi wasiir la siiyey beelaha Habar-gidir iyo Xawaadle, halka ay wax wasaarad ah waayeen beelaha kala ah Murusade, Gaaljecel, Abgaal, Sheekhaal, Duduble iyo Gugun-dhabe.

 

 
Warar ku dhowdhow xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegaya in arrintan iyo buuqa ka yimid yareynta Golaha wasiirada uu sababay in dib loo dhigo ku dhawaaqistii Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, inkastoo ay dhici karto in saacad kasta si degdega ah oo lama filaan ah loogu dhawaaqo maadaama waqtiga u harsan Ra’isul wasaaraha uu aad u yaryahay, loogana fadhiyo inuu si degdega ah u soo magacaabo wasiiradiisa.

 
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in hadda la go’aamiyey halkii hore oo aheyd 18-wasiir, taas oo keenaysa in afarta beelood ee sheegta inay weynyihiin la siiyo 4-wasaaradood, halka beesha lagu sheego shanaad la siiyo labo wasiir, inkastoo qaar ka mid ah madaxda dowladdu ay ku adkeysanayaan in tirada Golaha wasiirada si aad ah loo yareeyo, isla markaasna ay ka soo horjeedaan badintooda oo ay ku sheegeen inaan loo heli karin mushaar.

 

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.