Maanta oo ah Ciidul Adxa ayaa waxaa si weyn looga ciiday Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo magaalooyin badan oo Soomaaliya ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa dadka si isku mid ah ugu ciideen, waxaa ay dadka aroortii hore ee saaka u dareereen Masaajidada, oo ay ku oogeen Salaadda Ciida.
Waddooyinka ayaa lagu arkayay carruur labisan oo ku ciyaaraya Bastooladaha iyo alaabaha kale, waxaana carruurta wajiyadooda laga dheehan karay farxad.
Ammaanka magaalada ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, qaar ka mid ah Masaajidada waxaa ku sugnaa ciidamada booliska dowladda iyo AMISOM oo dadka baarayay.
Masaajidka Isbaheysiga oo ah masaajidka ugu weyn Muqdisho ayaa waxaa saaka salaadda ciida si wadajir ah ugu dukaday Madaxda ugu sareysa dowladda, Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo dadweyne fara badan.
Dhinaca kale Gobollada dalka ayaa iyana si weyn looga ciiday, magaalada Kismaayo ayaa ciidan u aheyd ciidii u horeysay muddo sanado ah oo aanay Al-Shabaab ka talin oo dadku ciidaan, markii horaantii sanadkan ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.
Magaalooyinka Baraawe, Bu’aale, Baardheere, Jowhar, Ceelbuur Buulo Burde, Saakow, Jamaame, Tiyeeglow, Khoryoole iyo kuwo kale oo Al-Shabaab ka taliyaan ayaa salaadaha waxay dadka ku dukadeen goobo fagaarayaal ah oo ay kula hadleen Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkastoo ay jireen magaalooyin cabsi darteed aan looga ciidan sida magaalada Baardheere.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.