Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool wariye ka howlgalayay Telefishinka Universal ee afka Soomaaliga ku hadla.
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegayaa inay wariyaha si gaadmo ah u dileen wariyahan oo lagu magacaabi jiray Axmed Faarax Ilyaas(Axmed Saakin).
wariyahan ayaa la dilay isagoo gurigiisa hor fadhiya xalay fiidkii, halkaasoo labo ruux oo bastoolado ku hubeysnaa ay ku toogteen, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.
Raggii hubeysnaa ee dilka ka dambeeyay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, iyadoo dilka kadib ay goobta gaareen ciidamada ammaanka Somaliland mana la sheegin cid ay u qabteen.
Wariyahan ayaa noqonaya wariyihii u horeeyay ee lagu dilo Laascaanood, iyadoo horay u jireen xarig iyo tacadiyo wariyeyaasha loogu geystay magaalada Laascaanood.
Sanadkan gudihiisa ayaa Soomaaliya lagu dilay in ka badan 10-wariye, waana sanadkii ugu badnaa ee wariyeyaal la dilo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.