Kulanka oo ahaa kulankii koowaad kalfadhigiisa afar iyo tobanaad oo uu shir Guddoominaaye Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay Xildhibaanada Baarlamaanka kaga doodayeen miisaniyada ay ku shaqeynayso sadexda bil ee soo socoto dowlada Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa waxa ay ugu horeyn warbixin ka dhageysteen gudigii Xildhibaanada ahaa uu guddoomiyaha Baarlamaanka uu xil saaray inay ka soo talabixiyaan miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto dowlada seddaxda bilood ee soo socota.
Iyadoona Gudiga uu ka warbixiyay kulamo uu laqaatay siihayaha xilka Wasaarada Maaliyada Iyo Agaasimaha Wasaaradaasi.
Guddiga ayaa soo bandhigay dood dheer oo ay la yeesheen siihaayaha Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Sooomaaliya intaasi kadibna waxaa loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Cod loo qaaday ansixinta miisaaniyada ay ku shaqeynayso Dowladda Saddexda Bilood ee soo socota ayaa xildhibaanada Dowladda Soomaaliya ay ogolaadeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ogolaadeen miisaaniyada muddada saddexda bilood ee soo socota Dowladda.
Ugu dambeyn waxaa la isla gartay in la meel mariyo miisaaniyada ay ku shaqeynayso mudada saddexda Bilood ee soo socota Xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.