Gabar wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayay Kooxo hubeysan xalay ku dileen bartamaha isgoyska suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Kooxihii dilka gabadhaas geystay oo la sheegay baxsadeen ayaan la ogeyn sababta ay u dileen gabadhaas .
Gabadhaasi oo xilliga la dilayay ka timid jaamacaddii aydhiganaysay ayaa waxaa goobtii lagu dilay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, mana la sheegin cid ay falkaas u qabteen.
Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka jira Muqdisho ayay gabdhuhu ka bed qabeen, balse haatan waxaa muuqanaysa in dumarkuna ay qeyb ka noqdeen dadka la dilayo oo markii hore u badnaa raga ka shaqeeya saxaafadda.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.