Mid ka mid ah Guddoomiyaasha gobolada dalka Soomaaliya oo ka badbaaday isku day dil

xeydar October 23, 2012 Comments Off
Mid ka mid ah Guddoomiyaasha gobolada dalka Soomaaliya oo ka badbaaday isku day dil

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar habeen hore saqdii dhexe lagu qaaday guriga uu magaalada B/weyne ka deganyahay Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay Shiine Macalin Nuurow, kaas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday guriga Guddoomiyaha.
Weerarka lagu qaaday guriga Guddoomiyaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha gobalka Bay C/fataax Maxamed Ibraahim {Geesey} oo sheegay in 3 ka tirsan ciidamadii weerarka ku qaaday guriga Guddoomiya ay dileen, wuxuuna intaasi ku daray inay gacanta ku dhigeen sida uu yiri sideed kale oo ka mid ah kooxihii weerarka ka dambeeyay, isagoo sheegay inay sharciga horgeyn doonaan, wixii ay maxkamadi ku xukuntana lagu fulin doono sida uu hadalka u dhigay.
C/fataax Geesay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay ciidamada dowladda ay rasaas is dhaafsadeen kooxihii weerarka ku qaaday guriga Guddoomiya, wuxuuna sheegay inay xabsiga dhigeen kooxihii ay gacanta ku dhigeen, wuxuuna dhinaca kale sheegay in laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsna ay weerarka ku dhaawacmeen, kuwaas oo uu sheegay inay ilaalo ka hayeen guriga Guddoomiyaha magaalada Baydhabo Shiine Macalin Nuurow.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkaasi inay iyadu ka dambeysay, sidoo kalena ma jiro cid xaqiijineysa sheegashada Guddoomiyaha gobolka Bay oos heegay inay gacanta ku dhigeen 8-ka mid ah kooxihii weerarka ku qaaday guriga Guddoomiyaha, halka ay dileen sida uu yiri sedex ka mid ah kooxahaasi, wuxuuna weerarkaasi ku soo aadayaa iyadoo gudaha magaalada B/baydhabo ay ka jiraan falal amni-daro ah oo ay ugu horeeyaan dilal qorsheysan iyo qaxyo lagu bartilmaameedsado dadka u shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo ciidanka dowladda intaba.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.