Saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda Soomaaliya oo shirar ka leh magacaabista xubnaha Golaha wasiirrada

xeydar October 22, 2012 Comments Off
Saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda Soomaaliya oo shirar ka leh magacaabista xubnaha Golaha wasiirrada

 

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda kulamo ay leeyihiin Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha iyagoo ka arrinsanaya xulista Golaha Wasiirrada cusub.

Saddexda mas’uul ayaa waxa ay ka shirayaan qaabka loo soo xulayo Golaha Wasiirada cusub, kuwaasoo sida la sheegay ka duwanaan doona hababkii hore ee wax lagu soo xuli jiray, waxaana haatan la sheegayaa in xubnaha la soo wado ay u badan yihiin kuwo siyaasadaha dalka ka jira xog-ogaal u ah.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in tiro ka badan 10- wasiir uu soo bandhigay Ra’isul wasaare Saacid, waxaana ku raacay oo la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, halka wararka qaar ay sheegayaan in tirada kale ee dhimman ay wataan madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasina saddexda mas’uul ay isku afgarteen.

Ilo ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu dhawaaqayo Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.