Arday Soomaali ah oo Turkiga loo Qaaday

xeydar October 21, 2012 Comments Off
Arday Soomaali ah oo Turkiga loo Qaaday

Maanta ayaa in kabadan 250 Arday Oo Deeq waxbarasho ka helay dowlada Turkiga ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Ardaydan oo ka faa’ideysanaya deeq waxbarasho oo si lacag la’aan ah dowlada Turkigu ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa duhurnimadii maanta laga sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hadaba Ardayda maanta ka dhoofay Muqdisho ee deeqda Waxbarasho ka faa’ideysanaya ayaa ka duwan fursadihii ay horey uga ambabaxeen dalka ardaydii ka horeysay waxaana ardaydan ay fursadahan ku heleen imtixaan dhanka Internetka ah oo iyaga laga qaaday iyagoo jooga gobola fog fog.

 

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr.Koni Torun ayaa isagu ardaydan ku sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana Ardaydan ay yihiin kuwoo diyaarin doona shahaadada Masterka.

 

Diyaarad nooca dhexa ah oo ka mid ah diyaaradaha Shirkadda Turkish Airways ayaa maanta ka qaaday ardaydan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayadoo ardaydanna ay Jaamacadaha kala duwan ee dalkaasi wax ka baran doonaan marka ay tagaan.

 

Dowladda Turkiga ayaa kaalin mugle ka qaadatay xiligan iyadoona u soo gurmatay xilgii abaaraha badanka dhaceen dhamaan gobalada soomaaliya,
Waxa ayna tani ka mid tahay qayb ka tahay deeqaha ay siiso dowlada Turkigu walaalhooda Soomaaliya .

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.