21-bishii October Sanadii 1969-kii maanta oo kale ayay ahayd markii uu wadanka ka hirgalay kacaankii uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaale Maxamed Siyaad Bare.
Inka badan 20-Sano oo ay jirtay Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Siyaad ayaa waxaa jiray waxyaabo badan oo ay ku guuleesatay dowladaasi, oo ay ka mid ahaayeen dib u dhiska wadanka iyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto wadamada ugu horeeya dhan waliba Qaarada Afrka.
Hadaba waxaa laysweydiin karaa maanta oo kale dadka Soomaaliyeed maalin caynkee ah ayay ku ahayd sideese loo waynayjiray 21-October xiligii ay jirtay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya, su’aashaasi waxaan waydiinay Xasan Ciise Cali Xasan kuuriya oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ee waaya jooga ah.
Waxaana uu sheegay maanta oo kale in Magaalada Muqdisho ay kadhici jirtay dabaal dagyo ballaaran fantastiyo cajiib ah oo lagu weyneynayay 21- October oo ah maalin qiimo u leh bulshada Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.
Waxaana uu intaa kudaray hadalkiisa in maalintaas ay dabaal dagyada lagu xusaayo 21- October ay kaqeeb gali jireen dhamaan qeebaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida ardayda,Ciidamada qalabka siday iyo dhamaan qeebaha kala duwan ee shaqaalaha Dowladaasi islamarkaana ay fantisyadaan ay soconjireen ilaa dhoor maalmood.
Wax walba waxay isbadaleen markii ay meesha ka baxaday Dowladaasi dhexe oo talada laga tuuray Sanadka markii uu ahaa 1991-kii xiligaasi oo dadkii ka soo horjeeday ka caanka aysan ku fikirin waxa ka imaan kara Dowlada hadii la rido ka dib, wixii yimidna waala ogaa waxii dalka kadhacay ama uu soomaaray oo ma jirto cid maanta looga sheekaynayo.
Mar kale Xasan Ciise Cali oo xiligii ay jirtay Dowladii Dhexe kunoolaa Magaalada Muqdisho, sidoo kalana u soo joogay mudii bur-burka iyo Dowlada la’aanta, haatana sidoo kale jooga Muqdisho ayaan waydiinay su’aal ah in uu is bar bar dhig uu ku sameeyo xiligaas iyo xiligaan.
Waxaana uu sheegaya in aan la isbar bardhigi karin xigaas sida uu ahaa Dalka iyo xiligaan waxaana uu tilmaamay in uu fahmi karo farqiga u dhexeeya waqtigaas iyo waqtigaamba qofwalba oo fiyow xiligaasna uu Dalka dhinac walba uu dhameestirnaa.
Maxamed Siyaad bare Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu mar walba kala hadli jiray dadka Soomaaliyeed qiimaha ay leedahay Dowladnimada iyo waliba danaha Dowladaha shisheeye ay ka leeyihiin Soomaaliya.
7-bishii may sanadii 1970-kii ayaa Jaale siyaad asga oo la hadlaya Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku yiri.
“Dadka Soomaaliyeed waxa ay bahmeen ama ay garawsadeen in gumeestaha uu yahay wax xun oo aan wanaagsaneen Calanka Soomaaliyeed oo meel kalushaana Xurnimo maahan gumeysiga waxa uu ku fadhiyaa Dhaqaalaha”sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad bare.
Waxaana uu dardaran u jeediyay shacabka Soomaaliyeed isagoona kula dardaarmay in markii ay kahortagayaan cadow ama gumeesi ay isku duubnaadaan si ay awoodooda kor unoqoto ayna marnaba gumeesi isku dhiibin.
Waxaa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed ay arkeen wixii laga dhaxlay dagaalkii lala galay Madaxweyne Siyaad iyo waliba Dowladiisii iyo waxii laga helay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.