DOWLADDA KMG AH OO SI RASMI AH U DHAMEYSTIRTAY MAAMULKA GOBOLKA SH/DHEXE (MAGACYADA XUBNAHA LA MAGACAABAY)

jiinka August 16, 2012 Comments Off
DOWLADDA KMG AH OO SI RASMI AH U DHAMEYSTIRTAY MAAMULKA GOBOLKA SH/DHEXE (MAGACYADA XUBNAHA LA MAGACAABAY)

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda KMG ah ayaa lagu magacaabay xubnihii ka dhinaa maamulka Gobolka Sh/dhexe, waxaana wareegtadaasi laga akhriyay munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda arrimaha Gudaha, halkaasi oo ay goobjoog ahaayeen dhammaanba xubnihii xilalka loogu magacaabay degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo ka mid ahaa madaxda ka qeyb gashay xafladda lagu magacaabayay xubnaha ka harsan maamulkiisa, isagoo sheegay in xubnahaan cusub ee ka tirsan madaxda Gobolka Sh/dhexe ay xilalkooda u gutaan si daacadnimo iyo wadaninimo leh.

Md. Bashiir Goobe oo ah Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Dowladda KMG ah ayaa ka qeyb galayaasha munaasabadda ka hor akhriyay wareegtada lagu magacaabay madaxda degmooyinka gobolka Sh/dhexe.

Madaxda Dowladda KMG ah ee iyagu xafladaasi ku sugnaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Md. C/Samad Macallim Shire, qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda, Xildhibaano iyo madax kale oo Dowladda ka tirsan.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Dowladda KMG ah ayaa lagu magacaabay Guddoomiye K/Xigeeno, Taliyeyaal ciidan iyo madax kale oo dhammaantood ka wada tirsan maamulka Gobolka Sh/dhexe.

Wareegtada lagu magacaabay maamulka cusub ee gobolka Sh/dhexe iyo beelaha ay ka soo jeedaan oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska Muqdisho ee Shabakadda CodkaXorriyadda wuxuu u qornaa sidaan:-

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Eng. Cabdi Jiinow Calasow (Harti-Abgaal/Warsangeli)

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee dhinaca siyaasada Yuusuf Cabdi Cabulle (Yuusuf Jaalle) (Wacbuudhan/Maxamed Muuse)

Gudoomiye kuxigeenka 2aad dhinaca Maaliyada iyo Horumarinta Cali Cusmaan Ibraahim (Gaaljecel/Caloofi)

Gudoomiye Kuxigeenka 3aad ee dhinaca Nabadgelyada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Guunshe Maxamed (Harti-Abgaal/Agoonyar)

Xoghayaha guud ee Gobolka Shabellaha Dhexe C/llaahi Cali Axmed (Indhooy) (Harti-Abgaal/Owbakar)

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe G/sare Maxamed Cabdi Eeboow (Moobleen Cismaan)

Gudoomiyaha degmada ahna Duqa Magaalada Jowhar Maxamed Amiin Xaaji Cusmaan Caqiil (Shiidle/Sagaale)

Sidoo kale Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa iyana sidan loo magacaabay:-

1- Gudoomiyaha degmada Mahadaay:- Shariif Abukar Axmed.
2-Gudoomiyaha degmada Balcad:- Cusman Maxamed Maxamuud.
3- Gudoomiyaha degmada Warshiikh:- Axmed Cali Xasan
4- Gudoomiyaha degmada Raage-Ceelle:- Yusuf Xaaji Maxamed Nur
5-Gudoomiyaha degmada Aadan yabaal:- Maxamed Sheekh Xasan Maxamuud.
6-Gudoomiyaha degmada Cadale:- Muxidiin Suudi Macalin.
7-Gudoomiyaha degmada Ruunir-good:- Muxidiin Cabdi Calasow.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.