Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal burburin ah waxa ay maanta ka wadaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.
Sida uu warbaahinta ee Magaalada Muqdisho usheegay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Maxamed Macalin Ibraahin howlgalka ayaa wuxuu yahay mid lagu burburinayo goobaha sida sharci darada ah uga dhisan magaaladaasi.
Wuxuu sheegay in la doonayo in dib loosoo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalkaasi sida uu tilmaamayna iminka laguda galay xilli roobaadka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howlgalka lagu burburinayo goobaha sida sharci darada ah uga dhisan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.
Wuxuu tilmaamay in hada ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgalka ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Magaalada sidoo kalena ay usii dhaadhici doonaan xaafadaha kale ee Magaaladaasi.
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa waxaa ku sugan ciidamada Dowladda Soomaaliay iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxaana howlgalka maanta uu kusoo aadaya xilli shalay ciidamada dowladda qarax lagula eegtay Magaaladaasi.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.