Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo maanta shirsaxaafadeed ku qabtay xarunta ciidamada AMISOM ee xalane ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arimood.
Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ugu horeen wuxuu ka hadlay ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ammaanka uu yahay mid kasoo wanaagsanaanaya sidii hore.
Wuxuu sheegay inay tababar ufidiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar islamarkaana loogu talo galay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan xaqiijinta ammaanka goobaha ay la wareegaan ciidamada AMISOM.
Isaga oo hadalka siiwata afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Korneyl Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay isku furi doonaan wadooyinka xiriiriya Muqdisho iyo Baydhabo.
Wuxuu sheegay in furitaanka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ay muhiim u tahay isu socodka gaadiidka iyo dadka Gobalada Baay iyo Shabeelaha Hoose.
Hadalkaan kasoo baxay Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaala Gobalada dalka Soomaaliya halkaasi oo ay ka dhacaan falal lidi ku ah ammaanka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.