Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ee la socda kuwa Kenya laga goostay raashiinkii iyo lacago guno ah oo ay ka heli jireen ciidamada ay la safka yihiin ee Kenya.
Sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbada Hoose waxaa askarta dowladda ee ku sugan Jubbada Hoose laga goostay raashiin iyo lacago guno ah oo ay ka heli jireen ciidamada Kenya.
Jen. Warfaa Sheekh Aadan oo ah afhayeenka ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka ayaa u sheegay saxaafadda in muddo Labo maalmood ah aysan wax raashiin ah ka helin ciidamada dowladda Kenya oo horey raashiinka ciidamada Soomaaliya la siiyo, sidoo kalena lacago guno ah oo ah Todobaadkiiba mar ka heli jireen aan weli la siinin, taasoo uu sheegay in iyana laga goostay.
Waxa uu afhayeenku sheegay in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dr. Saacid ay ka sugayaan lacago iyo raashiin degdeg ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Kismaayo la siiyo, si uu yiri aanay ciidamadu u kala tagin.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.