Wariye u xirnaa dowladda Soomaaliya oo la sii daayay

xeydar October 19, 2012 Comments Off
Wariye u xirnaa dowladda Soomaaliya oo la sii daayay

 

Wariye lagu magacaabo Khadar Maxamuud Xareed oo ay dhowr habeen kahor xabsiga u taxaabeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay laga sii daayay xabsiga.

Wariyahaas oo ka howlgalayay Idaacad lagu magacaabo Goobjoog oo ka mid ah Idaacadaha faraha badan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa muddo saddex habeen waxa uu ku xirnaa saldhig ay hay’adda Nabadsugidda ku leedahay agagaarka xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu wariyahaasi sheegay in muddadii uu xirnaa uusan wax dhibaato ah kala kulmin ciidamada wuxuuna shaaciyey in si wanaagsan ay ula dhaqmeen Ciidamada Nabadsugidda, inkastoo uu sheegay jir dil loo geystay markii la xirayay.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.