RA’IISAL WASAARIHII HORE CABDI WALI GAAS OO MUQDISHO KA DUULAY

xeydar October 19, 2012 Comments Off
RA’IISAL WASAARIHII HORE CABDI WALI GAAS OO MUQDISHO KA DUULAY

Cabduwali Max’ed Cali Gaas Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadii KMG aheed ayaa maanta kadhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaana uu kusiijeeda Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

 

Inta uu san ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi kula halay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho waxaana uu ka warbixiyay safarkiisa isagoo sheegay in uu ku wajahan yahay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug uuna ka duwanyahay safaradii hore asigoo aan sheegin ujeedada rasmigaa ee kadambeysa safarkiisa.

 

Mar uu shalay lahadlaayay warbaahinta Muqdosho Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduwali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu kagaabsaday in uu ka jawaabo Su’aal ay weydiiyeen Wariyaasha taas oo aheed in uu u sharaxan yahay Xilka Madaxtinimada ee Maamul Goboleedka Puntaland.

 

Cabdiwali Max’ed Cali Gaas Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadii KMG aheed ayaa waxa uu ku soo aadayaa safarkiisa xili ay sheegayeen wararka qaar ah kuwaas oo ahaa in Cawduwali Gaas uu u taagan yahay xilka Madaxtinimada ee Maamul Goboleedka Puntaland.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.