Maraykanka oo amaanay isbedelada hormarka leh ee Soomaaliya ka soconaya, sheegayna…

xeydar October 18, 2012 Comments Off
Maraykanka oo amaanay isbedelada hormarka leh ee Soomaaliya ka soconaya, sheegayna…

Susan Rice oo Danjiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Dawlada Maraykanka ay siwayn ula dhacsantahay xaaladaha Hormarka leh ee ka jira haatan Dalka Soomaaliya.
Haweenaydan ah Danjiraha maraykanka u fadhiya QM oo ka qayb gashay Kulan Golaha amaanka ee QM uu yeeshay oo looga hadlaayya arimaha Soomalaiya ayaa sheegtay in Arimaha Hormarka leh ee Soomalaiya ka soconaya ay yihiin kuwa farxad leh.
Susan Rice ayaa sidoo kale sheegtay in ansixintii dastuurka Cusub ee Soomaaliya iyo doorashadii Madaxda Qaranka Soomalaiya ay ahaayeen kuwa qaab hufan u dhacay islamarkaana saadaal wacan u abuuray shacbiga Soomaaliyeed Muddo dheer ka dib sida ay tiri
Haweenaydaan ah Danjiraha Dawlada Maraykanka u qaabilsan QM ayaa sidoo kale sheegtay in ay filayaan in Madaxda soomaalida ay u wada shaqeeyaan si hufan.waxayna intaasi ku dartay in dowladda mareykanku ay taageero dhinac kasta ah u fidin doonta dowladda cusub ee soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.