Markab hub u badan taangiyo, baabuurta gaashaaman iyo ciidamo badan wada oo ku soo xirtay dekadda Kismayo

xeydar October 18, 2012 Comments Off
Markab hub u badan taangiyo, baabuurta gaashaaman iyo ciidamo badan wada oo ku soo xirtay dekadda Kismayo

Wararka naga soo garaya magaalada Kismaayo ee xarun xeebeedka gobolka Jubbada Hoose ayaa waaxay sheegayaan in dekadda magaaladaasi uu ku soo xirtay xalay Markab weyn oo wada ciidamo iyo taangiyo aad u badan, kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen mid ka mid ah dalalka Afrika, kana mid ah dalalkii horay u balanqaaday inuu ciidamo keeni doono dalka Soomaaliya.
Mid ka mid ah muruq-maalka dekadda Kismaayo oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inuu indhisiisa ku arkay markab weyn oo ku soo xirtay dekadda magaalada Kismaayo kaas oo wada ciidamo aad u badan oo xiraan Koofiyadda ay caanka ku yihiin ciidamada AMSIOM ee cagaaran iyo qalab ciidan oo u badan taagiyo iyo baabuurta gaashaaman, sidoo kalena jiritaanka warkan waxaa xaqiijiyey saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hosose.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada ciidamadaasi iyo dalka ay ka socdaan waxayna wararka qaar sheegayaan in ciidamadaasi ay ka socdaaan dalka Siriliyoon, isla markaasna ay qeyb ka yihiin ciidamadaasi howgalka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya, halka warar kale ay sheegayaan in ciidamadaasi ay ka yimadaaeen dalka Kenya ay qeyb ka yihiin ciidamada Kenya ee qabsaday magaalada Kismaayo, kuwaas oo qaar ka mid ah ay bedelaya ciidamadii horey u sii joogay magaalada Kismaayo, inkastoo markii dambe si rasmi ah loo shaaciyey in ciidamadaasi ay ka socdaan dalka Sirilyoon oo horay ugu yaboohay inuu Soomaaliya ciidam keeni doono.
Sida warku sheegayo ka dib markii uu markabku ku soo xirtay dekadda Kismaayo waxaa banaanka loo saaray shaqaalihi xogsatada ahaa ee dekadda ka xoogsan jiray, waxaana isla markiiba lagu bilabay dejin, iyado guud ahaan qalabkii markabka sarnaa lagu dejiyey muddo kooban, ka dibna waxaa uu hakad ku yimid isku socodka dadka ku nool gudaha magaalada Kismaayo, waxana markiiba bilowday in ciidamadii saarna markabka iyo qalabkoodiba ay u soo dhaqaaaqan dhanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismayo, kuwaas oo haatan fariisin ka sameystay garoonka diyaaradaha iyo qeybo ka mid ah duleedyada magaalada Kismaayo.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.