(Tripoli:17/10/2012): Haween ay tiradoodu la ekayd 23 ayaa laga sii daayay Xabsiga caanka ah ee ‘Duweysha’,oo ku yaalla duleedka Magaalada Tripoli ee dalka Libya. Haweenkan ayaa Xabsigaas ku jiray muddo ka badan 5 bilood.
Haweenkan ayaa ka mid ahaa 360 Soomaali ah, ku jiray Xabsigaas. Waxay dhammaantood ku eedaysan yihiin Tahriib xagga Badda ah, oo ay ku maagganaayeen inay ku gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga iyo Jasiiradda Malta.
Sii-daynta Haweenkan iyo kuwa kale oo fara badan ayaa ku timid dadaalka ay Safaaradda Soomaalida ee Tripoli ugu jirto,ina y dhammaan Muhaajiriinta Soomaalida ee ku jira Xabsiyada Libya,sidii ay dib ugu heli lahaayeen xurriyaddooda.
Haweenkan laga soo sii-daayay Xabsiga Duweysha,ayaa muddadii ay ku sugnaayeen Xabsigaas, tartanno xagga Cayaaraha fudud ee Sportiga oo ay la galeen haween kale oo ka kala socday dala kale ku guulaystay kaalinta 1-aad, waxaana la guddoonsiiyay ‘Koob’.
Xafiiska Warfaafinta Safaaradda Som. ee Libya.
Comments are closed.