Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo hadalo kulul isweydaarsaday iyo khilaafka u dhaxeeya oo gaaray…

jiinka August 16, 2012 Comments Off
Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo hadalo kulul isweydaarsaday iyo khilaafka u dhaxeeya oo gaaray…

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib martkii uu ka soo qeybgalay shirkii dalalka Islaamka ee ka dhacay dalka Sacuudiga ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada waxa uu uga hadlay hanjabaado loo jeediyay Guddiga soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, saameynta Xukuumadda Soomaaliya ay leedahay xilligan iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii wadamada Islaamka ee uu ka qeybgalay.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn uga hadlay shirkiisa jaraa’id waxyaabihii looga hadlay shirkii waddamada Islaamka, wuxuuna sheegay in looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya, waxaana la isku raacay ayuu yiri Madaxweyne Shariif in laga taageero dalalkaasi sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.
Madaxweynuhu wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyey in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda, sidoo kalena wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray Guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaanimo waad weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadan wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan”, wuxuuna intaasi ku daray in Guddiga ammnkiisa la sugi doono.
“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, ka dibna waa soo gudbisaaa haddii lagu qanco wixii ay soo gudbisayna inay saxyihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa ka dibna waa la magacaabaa”ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo aheyd in degmooyin cusub oo uu uu magacaabay ay ka horyimaadeen Golaha wasiirada.
Madaxweynaha oo ka sii hadlaya arrinkaasi iyo saameyna ay Xukuumadda KMG ku yeelan karto arrimaha socda ayaa waxa uu yiri “Xukuumadda KMG wax saameyn ah kuma lahan xilligan arrimahaasi, mar haddii uu Ra’isul wasaarihii noqday musharax u taahan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, mana ka horikaan karaan magacaabisteyda”.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif waxa uu yiri markale “Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin ma lahan arrimaha magacaabista degmooyinka, waligoodna shaqo kuma yeelan, teeda labaadna waxay tahay in Xukuumaddu aysan wax saameyn ah laheyn, aysanna soo saari karin wax qaraar ah mar haddii uu Ra’isul wasaaraha musharax noqdo”.
Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa waxaa looga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda KMG ee ku saabsanaa in magacabista dagmooyinka cusub aysan wax shaqo ah ku laheyn Xukuumadda, waxaana qoraalka Ra’isul wasaaraha lagu yiri sida tan:-
“Ra’isul wasaaraha dowladda KMG markuu arkay qodobka 3aad ee Axdiga/KMG farqadiisa 1aad & 2 aad, sidoo kale markuu arkay qodobada kala ah 46aad, Farqadiisa 1aad & 2aad iyo qodobka 48aad, Farqadii 1aad-xarafkiisa (A & B) oo qeexaya (Waajibaadka Wasiirka 1aad, qodobka 52aad Farqadiisa 1aad & 2aad oo qeexaya (Waajibaadka Golaha Wasiirada}, qodobka 53aad Farqadiisa 3aad, xarafkiisa {a iyo b} oo qeexaya xilka Golaha Wasiirada, fulinta awoodda Golaha Wasiirada iyo meelmarinta waajibaadkooda, isla markaasna markuu ogaaday wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo aan ku salaysneyn go’aan Golaha wasiirada sifo sharciga waafaqsan, wuxuu halkan ku cadeynayaa in wareegtooyinka Madaxweynaha uu soo saaro ee ku saabsan magacaabista degmooyinka, dalacsiin Saraakiil Dowladeed iyo wixii la mid ah ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo inay sharciga dowliga ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin karin sida kucad qodobka 3aad ee Axdiga”.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.