Magaaalada Muqdisho waxaa ka soconaya olole ay beel kastaahi ku dooneyso inay ka soo dhax muuqato Xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo aan weli la ansixin Ra’isul wasaaraha cusub inkastoo maanta uu Baarlamaanka hortagi doono, ayaa waxaa magacaabista Golaha wasiirada cusub ka taagan muran iyo isqabqabi xoogan oo u dhaxeeya sedexda mas’uul ee ugu saresa iyo inta badan beelaha Soomaaliyeed.
Beelaha Soomaaliyeed ayaa lagu arkayey siyaasiyiintooda saacadihii ugu dambeeyay xarunta madaxtooyda Villa Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay helaan Wasiirada beelahooda, waxaana Villa Soomaaliya si weyn uga socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan arrintaasi, waxaana la sheegay in tirade Golaha wasiirada cusub ee soo socda la kordhin doono ka dib markii uu batay isqabqabsiga u dhaxeeya beelaha Soomaliyeed.
Beelaha ayaa midba midka kale dooneysaa inay iyadu uga hormarto helitaanka wasaaradaha waa weyn sida Maaliyadda, Gaashaandhigga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo Iskaashi iyo Qorsheynta caalamiga ah, waxaana la sheegay in 5-taasi wasaaradood la kala sindoono 4-tabeelood ee waa weyn inta soo hartayna lagu qeybin doono waxa loo yaqaano 4.5 oo ah saami qeybsiga beelaha Soomaalida.
Mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska Ra’isul wasaare Saacid oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa u sheegay warbaahinta in maalmihii ugu dambeyay Ra’siul wasaaruhu la kulmayey waxgarad Soomaaliyeed si u ugala tashado cidda u noqoneysa beelahooda Wasiirka iyo wasiir ku xigeenada.
Waxaa jira warar iskhilaafsan oo ku saabsan tirada wasiirada kuwaas oo qaarkood ay sheegayaan in la kordhinayo tirada guud ee Golaha wasiirada cusub lana gaarsiin doono 27-xubnood, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in tirada wasiirada cusub laga dhigayo intii hore, halka warar 3-aadna ay sheegayaan inay dhici karto in laga yareeyo Golaha wasiirada intii hore, waxaana arrinkaasi uu keenay isqabqabsi iyo muran xoogan oo soo kala dhexgalay sedexda mas’uul ee ugu sareysa dalka, iyadoo mid waliba uu doono in tiro uu isagu wato laga dhigo Golaha wasiirada.
Warar ku dhowdhow Ra’isul wasaaraha ayaa sheegaya in tirada wasiirada ay noqon doonaan 13, halka horay tirada wasiiradu u ahaayeen 18-wasiir, waxaana lagu wadaa in beelaha Darood, Dir, Hawiye iyo Digali iyo Mirifle ay qaataan mid 3-wasiir, halka beesha shanaad ay lahaan doonto hal wasiir.
Dhismaxa Xukuumadda cusub ayaa la aaminsan yahay in haddba sawirka ay yeelato uu jiheyn doono, halka ay xukuumaddasi u dhaqaaqeyso gaar ahaan khibradda iyo aqoonta ay leeyihiin wasiirada kala ah arrimaha Gudaha, arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Maaliyadda oo ah wasaaradaha laf-dhabarta u ah howsha xukuumadda, inkastoo ay dhammaan wasaaradaha dowladdu yihiin kuwo wada muhiim ah oo aan kala maarmin.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.