Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu laba Maalmood gudahood Ra’iisul Wasaaraha cusub ku horkeeno Baarlamaanka

xeydar October 15, 2012 Comments Off
Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu laba Maalmood gudahood Ra’iisul Wasaaraha cusub ku horkeeno Baarlamaanka

Kulan uu shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uuna shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga dalbaday inuu Baarlamaanka ku horkeeno muddo labo maalin ah Ra’isul wasaaraha cusub ee uu dhawaan magacaabay.

Kulankii shalay ee Baarlamaanka oo ay fadhiyeen 250-xildhibaan ayaa xubnaha Baarlamaanka qaarkood waxay ku taliyeen in Ra’isul wasaaraha iyo xukuumaddiisa hal mar la horkeeno baarlamaanka, balase kuwo kale ayaa ku taliyey in marka hore la ansixiyo Ra’isul wasaaraha ka dibna uu xuukumad cusub soo dhiso, haddii uu codka kalsoonida waayana uu Madaxweynaha keeno Ra’isul wasaare kale amaba uu isagu dib ugu soo celiyo markale.
Dood dheer ka dib ayaa la isku raacay in marka hore Ra’isul wasaaraha la horkeeno Baarlamanaka si cod loogu qaado, iyadoo tani ay imaaneyso xilli todobaadkii hore uu baaqday kulan la doonayey in Ra’isul wasaaraha cusub uu Baarlamaanka ku hortago, kulankii Baarlamaanka ee shalay ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xeer-hoosaadka uu Baarlamaanku ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo Xildhibaanada loo qaybiyay qoraalo ay soo diyaariyeen Guddi horay loogu saaray dib u eegista xeerar hoosaadka uu Baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeynayo.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay in xildhibaanadu ay muddo shan casho ah soo akhriyaan xeerar hoosaadka ka dibna looga doodidoono kulan ka dhaci doona xarunta gaadiidka booliiska si loo ansixiyo xeerarka uu baarlamaanku ku shaqeyn doono, wuxuuna intaasi ku daray Guddoomiyaha inuu jiro doono fadhiyo dhexda ku jira oo uu Ra’isul wasaaraha ku horimaan doono Baarlamaanka, isagoo sheegay in cod-gacan taag ah lagu ansixin doono Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa cusub.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.