Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Midowga Afrika, dalbatayna in

xeydar October 15, 2012 Comments Off
Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Midowga Afrika, dalbatayna in

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay markii ugu horeysay hadal dhawaan ka soo yeeray ururka Midowga Afrika oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya, kaas oo codsaday in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado, isla markaasna ciidanka dowladda Soomaaliya loo hubeeyo.
Sii hayaha xilka wasiirka gaashandhigga Soomaaliya Xuseyn Carab Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahanyahay Soomaaliya in laga qaado xayiradda hubka ee saaran, wuxuuna intaasi ku daray wasiirka gaashaandhigga inay si buuxda u soo dhaweynayaan hadalkii ka soo yeeray ururka Midowga Afrika oo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbaday inay xayiraadda ka qaadaan dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya ka qaadaan.
“Annaga ma dhaheyno waa in degdeg looga qaado xayiraada hubka Soomaaliya, laakiin maadama dalka uu yeeshay dowlad rasmi ah, isla markaasna laga baxay ku meel-gaarkii , waa in si deg deg ah loo qaadaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaasna bedela ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay haddii la rabo in dib loo dhiso hey’adihii ammaanka iyo ciidamada waa in la helaa qalab ku filan cidanka si marka ay dhamaato ciidanka walalaheena ee nala jooga shaqada ugu dhammaato ka dibna loo helo ciidan nagu filan oo qalabeysan ayuu yiri wasiirka oo sidoo kale sheegay in dowladda ay ku dedaali doonto sidii ay u dhisi laheyd ciidankii cirka.
Dhowr jeer ayey dowladda Soomaaliya codsatay in laga qaado xayiraadda hubka, laakiin taasoo ay jirto hadana dalka waxa yimaad hub si sharci daro looga soo galiyo dalalka dariska sida Yamen iyo Itoobiya iyo dalal kale, wuxuuna hadalka wasiirku uu ku soo aadayaa iyadoo uu Ururka Midowga Afrika uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in cuna qabateynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya si loo qalabeeyo ciidamada Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Sooamaliya uu saaranyahay cunaqabateynta hubka tan iyo sanadkii 1992-dii ka dib markii uu dalku ka qarxay dagaal sokeeye.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.