Kulankani oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir saraakiil sare oo katirsan ciidamada qalabka sida iyo waxgarad kamid ah dadka deeganka ayaa waxa ay aheyd mid si rasmi ah loogu magacaabayey Degmo cusub oo lagu magacaabay Kaxda taasi oo kamid noqoneysa degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa intii uu socnayey masuuliyiinta Dowlada ee gaaray Degmadaasi waxa ay socdaalo kala duwan ku mareen qeybaha ay ka koobantahay Degmadaasi oo horey uga tirsaneyd Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir. Hase ahaatee wareegto kasoo baxday Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG, aheyd lagu magacaabay Degmadaasi.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowlada Soomaaliya Warsame Max’ed Xasan Joodax oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay lashaqeyn doonaan Degmada cusub,maamulkeeda iyo shacabka kudhaqan isagoo kula dar daarmay qeybaha kal duwan ee kusugan Degmada Kaxda in ay kashaqeeyaan xaqiijinta amaanka.
Gudoomiya Degmada cusub ee Kaxda C/wali Yuusuf Cumar oo isna halkaasi kahadlay ayaa shaaciyey inuu kasoo bixi doono masuuliyada loo magacaabay kana shaqeyn doono horumarinta Degmada marka laga hadlayo caafimaadka, dhismaha iyo amaanka.
Waa degmadii 17 ee uu yeesho Gobolka Banaadir iyadoo ay xusid mudan in Degmada cusub ee Kaxda kal hore maamul ahaan ay hoostagi jirtay Macalin C/dulle Cali Hilowle oo maamula Degmada Dharkenley hase ahaa iminka ay noqotay Degmo madaxbanaan oo kamid ah Gobolka Banaadir.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.