Dowladda Yugandha oo sheegtay inay dib u dhigtay howlgal ay ka fulin laheyd Soomaaliya, ciidamadeedana kala baxeysa…

jiinka August 16, 2012 Comments Off
Dowladda Yugandha oo sheegtay inay dib u dhigtay howlgal ay ka fulin laheyd Soomaaliya, ciidamadeedana kala baxeysa…

Dowladda Yugandha ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay dib u dhigtay howlgal military oo ay ciidamadeeda ka fulin lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii sida ay sheegtay ay burbureen 3 ka mid ahaa 4 diyaaradood oo Helicopters ah oo ay u soo dirtay gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada lugta dalka Yugandha Gen. Katumba Wamaala oo saxaafadda la hadlay ka dib markii la xaqiijiyey burburka diyaaradaha dalka Yugandha ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Milateriga Yugandha ay ka arrinsan doonaan shilkaasi ku yimid iyo saameynta uu ku yeelan karo howlgalka magaalada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray inay hakad-geliyeen howlgalkaasi.

 

“Waan qiimeyn doonaa xaaladda Soomaaliya ee howlgalka cusub ah, haddii aan u aragno inaan awoodno fulinta howlgalkaasi waan ku dhaqaaqi doonaa tani waa nasiib daro nagu dhacday, balse howlgalkeena Soomaaliya ma ahan mid ku joogsanaya burburka 3 diyaaradood oo helikobtaris ah ku dhacday, balse waxay dib u dhigayaan howlgal aan ku dooneynay inaan ku gaarno magaalada Kismaayo” ayuu yiri Janaraal Wamaala.

Gen. Katumba ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha burburay mid kasta ay saarnaayeen 7-askari, wuxuuna intaasi ku daray in haatan la helay 21 ka mid ahaa askartii saarneyd diyaaradahaasi oo uusan sheegin inay noolyihiin iyo inay dhinteen gebi ahaanba, balse waxa uu sheegay oo keliya inay heleen inta badan askartii saarneyd diyaaradahaasi burburay.

Dhinaca kale sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Yugandha ayaa sheegay in 600 oo ka mid ah askarta ka joogta Soomaaliya ay la baxayaan dibna loogu celin doono dalkooda, wuxuuna intaasi ku daray in taasi ay la xiriirto sida uu yiri inay fursad siiyaan dalal kale oo doonaya inay ciidamo keenaan Soomaaliya, kuwaas oo uu ka tilmaamay Siralyoon iyo Jabuuti.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.