Axmed Madoobe oo looga yeeray dalka Kenya ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo

xeydar October 14, 2012 Comments Off
Axmed Madoobe oo looga yeeray dalka Kenya ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo

Gudddomiyaha Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} ayaa shalay galab si kedis ah uga ambabaxay magaalada Kismaayo, isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dib markii ay u yeertay dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan magaalada Kismaayo.
Sida warku sheegayo Sheekh Axmed Madoobe oo ay diyaarad ka qaaday magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inuu ka qeybgalayo maanta oo Axad kulan looga hadlayo arrimaha gobolada Jubbooyinka iyo sidii loogu sameyn lahaa maamul guud, inkastoo ay socdaalkiisa ka soo baxayaan warar kala duwan oo iskhilaafsan.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shirka magaalada Nariobi ka dhacaya ee uu ka qeybgalayo Axmed Madoobe loogu yeeray kooxaha ka qeybgalaya saxiixayaasha qorshaha nabadda ee gobolada Jubbooyinka, kaas oo lagu dar dargelinayo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Warar kale ayaa sheegaya in socdaalka Axmed Madoobe uu la xiriiro khilaaf soo kala dhexgalay saraakiisha hogaamineysa ciidamada Kenya iyo Axmed Madoobe, sidaas awgeedna looga yeeray magaalada Nairobi si loogala hadlo arrintaasi, waxaana khilaafkaasi oo ku saabsan canshuuro laga qaadayo dekadda Kismaayo ay isku maandhaafeen saraakiisha Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo cid kasta ay dooneyso inay iyadu canshuurta qaado, isla markaasna ay maamusho howsha ka socota dekadda marka ay dib u furanto.
Isla wararka ku saabsan khilaafkan ayaa sheegaya in markii hore ay isku qabteen Axmed Madoobe iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya qaabka canshuurtaasi loo qaadayo iyo waxa loogu yeerayo, taas oo keentay in dekadda maraakiib iyo doonyo ku xiran lahaa ay ka baaqsadaan, ka dibna murankaasi uu soo dhexgalay sarkaalka ugu sareeya ciidamada Kenya oo la sheegay inuu arrinkii xalliyey, inkastoo aan la ogeyn waxa uu ku xalliyey.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.