Kulanka oo ay Haweenka Soomaaliyeed kaga hadlayeen isbadalada kadhacay Dalka iyo sid ay qeeb uga noqonkaraan Dowlada Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay”adaha Iida iyo CRD kaas oo sidoo kale lagu taageeraayay Dowlada Cusub ee Soomalaiya.
Kulanka inta uu socday ayaa waxaa hadalo kala duwan kajeediyay haweenkii kasoo qeebgalay kuwaas oo isla qiray in ay qoondadii ay Haweenka kulaahaayeen Dowlada Cusub aysan u helin sidii loobaahnaa iyagoo Ra,isalwasaaraha Cusub u diray baaq kuwajahan in ay qeeb kanoqdaan Golihiisa Wasiirada ee dhawaan laga filaayo in uu soodhiso.
Xaliimo Shiikh Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Ururka Soomali Waman Ajanti oo ugu horeen halkaasi kahadashay kanamid aheed Haweenkii sooqaban qaabiyay kulanka ayaa sheegtay in Haweenka looga baahanyahay in ay isbiirsadaan una istaagaan sidii lootaageeri lahaa Dowlada Cusub.
Caasho Shaacuur oo iyana halkaasi kahadashay ayaa sheegtay in Haweenku ay qeeb kaciyaareen isbadaladii kadhacay Dalka iyadoo xustay in Ra,isalwasaaraha Cusub ay kafilayaan in uu Haweenka kusoodaro liiska Golaha Cusub ee Wasiirada.
Ugu dambeentii qaarkamid ah Haweenkii kale ee kasoo qeebgalay Kulanka ayaa cod dheer ku sheegay in marwaliba laxaqiro xaqa ay ku leeyihiin samata bixinta Dalka iyo in ay qeeb kanoqdaan hogaanka Dalka iyagoo sheegay in rajadoodu ay tahay in Dowlada Cusub ay noqoto mid u soociliso xaqii laduud siiyay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.