Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Oo Furtay Tababarka Hogaaminta Dhalinyarada Soomaaliyeed

xeydar July 16, 2013 Comments Off
Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Oo  Furtay  Tababarka Hogaaminta  Dhalinyarada Soomaaliyeed

Wasaaradda horumarinta adeega bulshada ayaa maanta siminaar lagu baranayay  Hogaaminta  Dhalinyarada Soomaaliyeed  iyo  wacyigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed magaalada Muqdisho ugu furtay qaar ka mid dhalinyarada ku dhaqan Goboka Banaadir.

 

Dhalinyarada tababarka loo qabtay oo tiradoodu aheyd 40 dhalinyaro ayaa waxaa laga soo kala xulay 17-ka degmo ee Gobalka, kaasi oo socon doono 5-cisho, waxaana diiradda lagu saarayay tababarkaasi sida dhalinyarada ay uga shaqeyn karto horumarka iyo xasiloonida dalka.

Agaasimaha agaasinka dhaliyarada, Isboortiga iyo horumarinta shaqaalaha Aweys Sheekh Xadaad oo furay tabarka ayaa sheegay in ujeedada tababarka loo qabtay dhalinyarada ay tahay sidii dhalinta looga wacyi gelin lahaa falalka guracan oo ay ku marin habaabinayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Aweys Sheekh Xadaad ayaa tilmaamay in tababarkaan ay gacan ka geysaneso Hey’adda USAID islamarkaana uu muhiimada gaar ahuu u leeyahay Dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in Wasaarada Horumarinta Adeega Bulshada ay qorsheyneyso shirweyne lagu mideynayo dhaliyarada dalka ku dhaqan si ay gacan ugu geystaan Horumarinta Dalkooda.

Laba maalin ka hor ayay eheyd markii R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu kulan u qabtay dhalinyarada gobolka ku dhaqan gaar ahaan ururrada dhalinyarada, ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha dalka iyo kuwa dugsiyada sare kaasi oo u jeedkiisu ahaa in dhalinyaradu ay ka qayb qaataan sugidda amniga iyo horumarinta dalka.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.