Wasaaradda Adeegga Bulshada ayaa maanta kulan la qaadatay Gudiga Olombikada Soomaaliyeed iyadoo kulankaasina looga hadlay qorshaha Gudiga ee loogu talagalay in Afarta sano ee soo socota uu ku hormariyo ciyaaraha Dalka Soomaaliya.
Kulankan oo uu shir Gudoominayay wasiir ku xigeenka wasaaradda Adeegga Bulshada Bashiir Maxamad Jaamac ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan mas’uuliyiinta Gudiga Olombikada Soomaaliyeed.
Kuwaas oo dhawaan lagu doortay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho,
Sidii ay u wada shaqeyn lahayeen xukuumadda iyo xiirrada kala duwan ee Cayaaraha iyo sidii loo dadar galin lahaa Isboortiga dalka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Adeegga Bulshada Bashiir Maxamad Jaamac ayaa kulanka intii uu socday la isla gartay in si wadajir ah loo shaqeeyo ayna soo bandhigeen Qorshaha Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee Afarta sano ee soo socota ay ku hor marinayaan Isbortiga dalka.
Wasiirka ku xigeenka ayaa intaa raaciyay in la isku raacay si madaxbanaan ay u shaqeeyaan gudiga Olombikada Soomaaliyeed iyadoo xukuumadduna ay kormeereyso howlaha lagu dardar galinayo ciyaaraha dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayaa aheyd markii magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada gudiga Olombikada Soomaaliyeed iyadoo kulankana uu noqonayo kii ugu horeyay ee ay wada yeeshaan Xukuumadda Iyo Xubnaha cusub ee gudiga Olombikada Soomaaliyeed.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.