Dalka Burundi Ayaa Maanta Tababar U Aaday Shaqaalaha Dowlada Ka Tirsan

jiinka January 13, 2013 Comments Off
Dalka Burundi Ayaa Maanta Tababar U Aaday Shaqaalaha  Dowlada  Ka Tirsan

Shaqaalaha dowladda ayaa maanta ka Ambabaxay dalka kadib markii ay heleeen deeq wax barasho oo la Xiriirta shaqada ay dowladda u hayaan.

 

Waxayna ka ambabexeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyagoo ku sii jeeda dalka Burundi Oo ay ku soo qadanayaan tababar la xiriira aqoontooda.
Tirada tababarka loogu tala galay ayaa ah 120 qof oo ka kala socda Xafiisyada madaxweynaha xafiiska R/wasaaraha iyo guddoomiya Baarlamaanka,

Waxaana maanta suurta gashay in ay u ambabaxaan ilaa iyo 88 qof oo ah shaqaalaha dowladda halka inta hartay ee gareysa 32 Qof ay ambabixi doonaan 20 bishaan aynu ku gudo jirno.
Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda adeegga bulshada Aweys Sheekh Xadaad ayaa sheegay in Maanta qeybtii ugu horeysay ay duulayaan dhawaana ay duulidoonaan Qeybta hartay.

 

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda hormarinta iyo adeega Bulshada oo la hadlay shaqaalaha tababarka u aadayay dalka Burindi Ayaa dardaaran adak u jeediyay shaqaalaha siminaarkaas u surta gashay Iney u ambabaxaan.

 

Maahan markii ugu horeysay oo ay dalka dibadiisa loo qaado shaqaale Ka tirsan dowladda Soomaaliya si ay u soo qataan tababarro ku aadan Howlahooda.

 

 

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmiail.com

Comments are closed.