Musharax Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Ciid Oo Anfurin Sharafeed U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka

admin June 29, 2012 Comments Off
Musharax Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Ciid Oo Anfurin Sharafeed U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka

Musharax Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Ciid ayaa Xalay Anfurin Sharafeed u sameeyey Odayaasha Dhaqanka Beelaha Jareerweyne ee magaalada Muqdisho ku leh Shirka ay kusoo xulayaan ergada ansixin doonta Dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo.

Anfurin Sharafeedkan oo ka dhacday mid ka mid ah hotelada waaweyne ee caasimada ayaa waxaa Musharaxa ku wehliyey Aqoonyahano caan ka ah Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ka soo jeeda beelaha Jareerweyne.

Anfurka kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay xubno ka tirsan Odayaasha Dhaqanka oo iyagu Musharaxa uga mahad celiyey qaabilaadda iyo Anfurinta uu u sameeyey waxaana ay Madasha ka ballan qaadeen iney si daacad ah u gudan doonaan waajibaadkooda ku aadan Mustaqbalka dalka oo ay ugu horeyso soo xulidda ergada iyo in ay beelaha Jareerweyne u soo xuli doonaan xubno samatabixinkara oo qadiyad iyo karti leh.

Musharax Cabdulaahi Cumar Ciid oo ugu dambeyn Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ka sokoow doorka odayaasha dhaqanka xiligan ay ku leeyihiin ka gudbidda marxaladda KMG waxaa uu dhanka kale Odayaasha Dhaqanka Beelaha Jareerweyne ka codsaday iney gacan ka geystaan soo xulida xildhibaanada Cusub ee uu dalka yeelanayo maalmaha soo socda “waxaan idinku boorinayaa in aad u dhabar adeegtaan howshan la idin idmaday waxaa idin sugaaya dad masaakiin ah oo u baahan in aad u hiilisaan oo aad ka ilaalisaan dadka daneystayaasha ah oo ay niyada kaga jirin in ay wax u qabtaan beelaha jareerweyne” sidaana waxaa yiri Mr.Ciid.

Musharax Cabdulaahi Cumar Ciid ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ku soo caan baxay xiligii 2006 Maxkamadihii Islamka oo dalka ama caasimada Muqdisho ka arimin jiray, Mr Ciid waxa uu ka mid yahay xubnaha gacanta Midig ama aad ka ugu dhawdhaw Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.