KUDHAWAAD 10 RUUX OO KU DHINTAY FATAHAAD WEBIGA SHABEELLE UU KA SAMEEYAY BALADWEYNE

xeydar September 29, 2012 Comments Off
KUDHAWAAD 10 RUUX OO KU DHINTAY FATAHAAD WEBIGA SHABEELLE UU KA SAMEEYAY BALADWEYNE

Wararka anga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad Toban ruux ay ku Geeriyoodeen fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Wararka waxaa ay timaamayaan in ku dhawad 10 Ruux ay ku Geeriyoodeen fatahaadan uu sameeyay webiga kaasi oo ku fatahay xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne .

Dadka ayaa geeriyoooday ka dib daaddad ku dhiftay Xaafadihii ay Daganaayeen kuwaasi oo ay saameynta ugu badi ay ka soo gaartay Xoolihii Dadku ay dhaqanayeen .

Goob jooge ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa Shabakada warbaahinta Jiinwabi.net u xaqiijiyay geerirada Dadkan oo uu sheegay in ay isugu Jiraan Caruur , Haween iyo Dad Da, ah sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dhinteen  ku dhamaadeen Xoolo badan oo ay dhaqan jireen Dadka Deegaanka .

Waxaa uu sheegay sidoo kale in dadka badankoodu ay u barakeceen dhanka buurta Magaalada halkaasi oo ay Gabaad ka Dhiganayaan .

Dhanka kale ilaa haatan ma jiraan wax Gar gaar ah oo loo sameeyay Dadkan iyo Cid u soo gurmatay .

Wabiga Shebeelle oo isagu mara Deegaanno badan oo ay ka mid tahay Magaalada Baladweyen ayaa waxaa uu xilliyada qaar sameeyaa Fartahaad .

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.