MIDOWGA AFRICA OO RAJO KA MUUJIYAY SHIRKA BRUSSELS ETHIOPIANA KU AMAANAY DIB U DHISKA SOMALIA

xeydar August 31, 2013 Comments Off
MIDOWGA AFRICA OO RAJO KA MUUJIYAY SHIRKA BRUSSELS ETHIOPIANA KU AMAANAY DIB U DHISKA SOMALIA

Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa (AU), Dr. Nkosazana Dlamini Zuma, oo ka hadashay heshiiskii Adis-ababa ku wada dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa waxay ku tilmaantay heshiiskaasi mid dhabaha u xaari doono xalinta Qilaaf Maamuleedyada ka taagan Gobolada dalka Soomaaliya.

 

Dr. Nkosazana Dlamini Zuma,ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay qaabka wanaaga uu ku dheehan yahay ee Ethiopia ay ku gaareen Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka uu horboodayay Axmed Madoobe ee Jubba Lan loo aqoonay Balse hada loo badalay Jubba,kaasi oo ay ku tilmaantay mid u horseedaya in shacabka Soomaaliyeed iska masaxaan Mudo 22-sano ka dib diiftii iyo daalkii ay ka dhaxleen dagaalkii Soomaaliya.

 

Waxay Mahad balaaran u jeediyay Dlamini Zuma,dowlada Ethiopia oo ay ku amaantay inay gacan weyn ka geysatay hanaanka heshiisiinta ah ee Dowlada iyo Maamulka Axmed Madoobe oo Muran soo jiidamay dhiigna uu ku daaday ka dhex jiray.

 

“Hadii aan nahay Madaxda (AU),Waxan garab taagan nahay Shacabka iyo Xukuumada Soomaaliya iyo Cid walba oo Nabada Soomaaliya jecel,heshiiskana waa mid aan soo dhaweneyno”,ayay Tiri Dr. Nkosazana Dlamini Zuma.

 

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Midowga Africa Dr. Nkosazana Dlamini Zuma, ayaa ugu baaqday dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan dowlada Somaaliya iyo shacabkeeda kuna taageeraan dadaalka ay sameynayaan.

 

Dhanka kale,Miodwga Yurub aya rajo wanaagsan ka muujiyay Natiijada ka dhalan karta marka uu dhaco shirka lagu wado inuu ka furmo Magaalada Baraasalis ee dalka Belgiumka Bishar soo socota ee Septembar.

 

Dr. Nkosazana Dlamini Zuma, oo soo hadal qatay shirka Belguimka Soomaalida kaga furmayo mar ay ka hadleysay heshiiskii dhawaan dalka Ethiopia ay ku gaareen Maamulka Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaaliya,iyadoona shaacisay in wixii ka soo baxa shirkaasi Soomaalida ay ugu fureyso wado ay ku gaaraan hormar iyo nabad.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.