Midowga Yurub Oo Si Wada Jir Ah Madaxweynaha Soomaaliya Ugu Gudbiyey Waraaqahooda Aqoonsiga

jiinka February 26, 2013 Comments Off
Midowga Yurub Oo Si Wada Jir Ah Madaxweynaha Soomaaliya Ugu Gudbiyey Waraaqahooda Aqoonsiga

Safiirka Germany, Margit Hellwig-Botte, Safiirka Faransiiska Etienne De Poncins, Safiirka Spain Javier Herrera Garcia Canturi,

 

Safiirka Belgium Bart Ouvry iyo Safiirka Finland Sofie From-Emmesberger ayaa si wadajir ah maanta ugu gudbiyay warqadahooda aqoonsiga safiirnimo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya si ay u noqdaan safiirradii ugu horreeyey ee dalalkooda u fadhiya Soomaaliya

 

Madaxweynaha soomaaliya xasan shiiq maxamud oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in shan dal oo katirsan wadamada midowga yurub uu ka gudoomay waraaqahooda aqoonsiga.

 

Safiirradan cusub ee midowga Yurub oo ka hadlayay magacaabista ayuu war qoraal ah wuxuu ku sheegay inay ka go’an tahay taageeridda geeddi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay madaxwaynaha soomaaliya in tani ay daliil u tahay aqoonsiga beesha caalamka ee soomaaliya in uu yahay mid dardar ku socda waxaa uuna hoosta ka xariiqay in dowlada soomaaliya ay horumar badan ka sameysay dhinaca diblumaasiyada.

 

“Midowga Yurub wuxuu tixgelinayaa waxqabadka dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan Dib u heshiisiinta, Dhisidda Maamullada Federaalka, Amniga, In la dhowro Maamul dhaqaale oo hufan iyo ku wada noolaanshaha nabad waarta wadamada deriska ah,”

 

Safiirada maanta uu madaxawynaha ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa dhamaantood waxa ay balan qaadeen in si wanaagsan ay ula shaqeyn doonaan dowlada soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.