War Deg Deg Ah Balidoogle Agagaarkiisa Oo Dagaal Culus Ka Dhacay & Miino Ay La Kacday Gaari Rakaab

jiinka December 30, 2012 Comments Off
War Deg Deg Ah Balidoogle Agagaarkiisa Oo Dagaal Culus Ka Dhacay & Miino Ay La Kacday Gaari Rakaab

Bali-doogle iyo degaanka Yaaq-biriweyne ee gobolka Sh/hoose ayaa ka dhacay dagaal culus.
Dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo hal dhinac ah iyo dagaal yahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la isu adeegsaday hub kala duwan.

Ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkiisi.

 

Intii uu dagaalkaas socday ayaa waxaa meel ku dhow goobta uu dagaalku ka dhacay ay miino kula kacday gaari rakaab ah oo ka yimid magaalada Baydhabo kuna sii jeeday Muqdisho.

kaa soo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac balse aan tirada rasmiga ah la ogaan weli.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.